R/iisul wasaaraha somaaliya xasan cali Kheyre oo u amba baxay Imaaraadka Carabta

Waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ka amba baxay R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,isagoo ku sii jeeda Isutagga Imaaraadka Carabta.

R/iisul wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa u amba baxay magaalada Dubai ee Xarunta Iustgga Imaaraadka Carabta,kadib casuumaad uu ka heley madaxda Dalkaasi.

Waxaa ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Ra’’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa inta ay joogaan wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ay madaxda dalkaasi kala hadli doonaan,arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriira u dhexeeya labada Dal Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya,waxaana dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan ugu jirataa xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadda ee kala dhexeeya wadamada Caalamka