R.W Khayre oo lakulmay Senator C/raxmaan Faroole

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa gurigiisa oo ku yaalla magaalada Garowe ku booqday Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii dowladnimada loo adkeyn lahaa, arrimaha doorashooyinka ee maamul goboleedyada iyo dadejinta wada hadalka Somaliland.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa gurigeyga igu soo booqday, waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo ay ugu horeyso dib u heshiisiinta dalka, waxaan isla soo qaadnay wada hadalka Somaliland sidii loo dadejin lahaa, waxaana rajeyneynaa Ra’iisul Wasaaraha arrimahaasi in sida ay tahay u fuliyo”. Ayuu yiri Mudane Faroole.

Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo horey u soo noqday Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay dhammaan waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo R.W Khayre inay isku afgarteen, uuna rajeynayo inay dhaqan galaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa booqasho todobaad qaadatay waxa uu ku joogaa magaalada Garowe, halkaasi oo maanta oo la qorsheynayo inuu ka dhaco shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya.