R.W Kheyre oo kormeer Kutegay xarunta Wasaaradda Howlaha Guud

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo uu Maanta ku tagey xarunta Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib uu dhiska Soomaaliya,isagoo u kuurgalay howlaha shaqo ee halkaasi ka socda.

Mudane Xasan Cali Khayre waxaa xarunta Wasaaradda Howlaha guud ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaraddaasi Eng Saadiq C/llaahi Cabdi,Wasiiru Dowlaha Wasaradda,Wasiir ku Xigeenka Wasaradda,Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaradda Howlaha Guud.

Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee wasaaradda Howlaha guud  oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo maamulka , is xog waraysi kadib waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha Wasaradda inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda, isla markaana ay uga soo baxaan si hagar la’aan ah.