R.W Kheyre oo kulan la qaatay Wafdi ka socda Eritrea

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Erateria iyo la Taliyaha Madaxweynaha dalkaasi oo saakay soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay Adkeynta xiriirka labadal iyo sidoo kale sidii Safaaradda dowladda Eritrea looga furi lahaa Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa u sheegay Wafdiga ka socday dowladda Eritrea in uu ku faraxsan yahay in dib loo soo celiyo xiriirkii labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Cusmaan Saalax iyo la taliyaha madaxweynaha Yemane Gebreab ayaa booqan doona xarumo dhowr ah oo ku yaalla Muqdisho sidda Wasaaradda Arrimaha dibadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisii Asmara wuxuu bilow u ahaa adkeynta xiriirka Labada Dowladood, waxaana wafdigan hordhac u yihiin wufuud kale oo Eritrea ah oo soo gaaraya magaalada Muqdisho.