R.W Kheyre oo Maanta Daahfuray furay imtixaanka dugsiyada sare

Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Daah furay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka, oo sanadkaan ay u fariisanayaan 27,600 oo arday.

Ra’iisul Wasaaraha oo booqday goobo lagu qaadaayay Imtixaanka ayaa ardayda kula dardaarmay in ay naftooda aaminaan,islamarkaana ay si degan Imtixaanka uga shaqeeyaan,qishkana ay iska ilaaliyaan.

Imtixaanka ayaa si rasmi ah maanta kaga bilaaban doona gobolka Banaadir, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Goobaha Imtixaanka lagu galaayo ayaa shalay oo Jimco aheyd waxaa la wareegay ciidamo loogu tala galay in ay suggaan Ammaanka xarumahaasi.

Sanadkaan ayaa waxaa imtixaanka ka qeyb gali doonin Ardayda kunool Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay saameeyeen Fatahaado iyo daadad ku dhuftay Magaaladaasi.