R.W ku xigeenka dalka oo la kulmay Wafti ka Socda Midowga Yurub

Mahdi Mohamed Gulleid (Khadar)  Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaali​ya ayaa booqday markab ay leeyihiin ciidamada Talyaaniga ee qaybta ka ah howlgalka Atlanta ee  Midowga yurub.

Markabkaan ayaa ka mid ah kuwa   ilaaliya xeebaha Soomaaliya , islamarkaana la dagaallama Burcad-badeeda.

Waxaa uu kulan la qaatay wafti ka socda Midowga Yurub iyo Taliyaha Guud ee hawlgalka ATLANTA ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya, waxaana kullanka diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka wada shaqeyn iyo iskaashi oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub, iyo la dagaalanka Burcad badeeda.

”Wefti ka socda midowga Yurub oo uu wehlinaayo Taliyaha Guud ee hawlgalka ATLANTA  ee la dagaalanka Burcad-baddeedka, ayaanu shir kuwada yeelanay Markab taagan Biyaha Badweynta Soomaaliya. Markabkaasi oo kamid ah Maraakiibta Burcadda ka ilaaliya biyaha Caalamiga. Weftigaasi waxaanu kawada hadalay  arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka wada shaqayneed iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub iyo siddii hawlgalada Burcad-baddeedku si wadajir ah looga gaari lahaa hadafka laga leeyahay oo ah siddii maraakiibta dunidu ugu kala gooshi lahayd wel wel la’aan iyo nabad-qab” ayuu yiri Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Mohamed Gulleid.