R.W Kuxigeenka Somaaliya oo kulan la qaatay Safiirka Sweden ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha dalka Sweden u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Andreas von Uexkull.

Kulanka oo ahaa mid qaatay saacad iyo wax ka badan ayaa labada masuul waxa ay uga wada hadleen Shirka Arrimaha horumarinta Soomaaliya ee ka dhacaya Brussels, Xiriirka labada dal, Arrimaha amniga ee Qaranka iyo xoojinta cilaaqaadka Sweden iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa yiri “Waxaan kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha dalka Sweden u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Andreas von Uexkull, Waxaanuna ka wada hadalnay Shirka Arrimaha horumarinta Soomaaliya ee ka dhacaya Brussels, Xiriirka labada dal, Arrimaha amniga ee Qaranka iyo xoojinta cilaaqaadka Sweden iyo Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa dhankiisa wuxuu balan qaaday in Soomaaliya ay Sweden si dhow ugala shaqaynayso xiriirada iskaashi ee arrimaha Bulshada iyo kuwa Horumarinta.

Kulankan ayaa waxa uu ku soo dhamaaday si wanaagsan wuxuuna qayb ka ahaa Dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso Dawlad wanaagga iyo horumarinta dalka.