R/W Soomaaliya oo la kulmay Xildhibaannada cusub ee ku matali doona dalka Baarlamaanka EAC.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay Xildhibaannada dhawaan loo doortay inay Soomaaliya ku matalaan Baarlamaanka Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kuwaas oo shalay si rasmi ah loo doortay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu hambalyeeyay Xildhibaannada xilka qaran ee ay qaadeen, isagoo xusay in mas’uuliyadda loo igmaday ay tahay mid culus oo ka tarjumaysa kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, si ay ugu adeegaan danaha dalka ee ku aaddan iskaashiga gobolka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre wuxuu tilmaamay in doorashada Xildhibaannadan ay caddeyn u tahay guul siyaasadeed oo muhiim ah oo ay Soomaaliya ka gaartay heerarka iskaashi ee Bariga Afrika, taas oo kor u qaadaysa muuqaalka iyo saamaynta ay Soomaaliya ku leedahay ururrada gobolka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku dhiirrigeliyay xubnaha cusub inay si daacadnimo iyo firfircooni leh uga shaqeeyaan difaaca danaha Soomaaliya, kor u qaadidda codka dalka ee EAC, iyo horumarinta xiriirka iyo midnimada gobolka, si loo xaqiijiyo danaha guud ee shacabka iyo horumarka Bariga Afrika.