R.W Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Shir kaga qeyb galaya Washington DC

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu waddaa in uu Magaalada Washington uu kaga qeyb galo Shir looga hadlaayo dalalka soo koraya ee Soomaaliya ay kujirto ee sanadkaan 2018-ka.

Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saaraya sidii loo horumarin lahaa Kaabayeyaasha Dhaqaallaha , Caafimaadka iyo waxbarashadda dalalka Soo koraya.

Xasan Cali Kheyre ayaa shirkaan ka jeedin doona Khudbad uu kaga hadlaayo horumaradda ay sameysay Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay ee 2017-ka iyo sidoo kale hiigsiga 2018-ka.

Waxaa uu sidoo kale mid mid ula kulmi doonaa Madaxda Shirkaasi ka qeyb gali doonto, isagoona ka hadli doonaa xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya dalalka Caalamka.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya qaar ka mid ah dalalka deeqaha bixiya, iyo sidoo kale dalalka Saboollka ah ee taageerada u baahan .

Sanadkaan waxaa Shirka soo qaban qaabiyay Bankiga Adduunka oo doonaaya in maalgalin ballaaran lagu sameeyay dalalka soo koraya.

Waxaa lafilaya in raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa ay kulamo kaladuwan la yeeshaan madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi.