R/W Xamza oo kulankii ugu horreeyay la qaatay safiirka cusub ee Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş.

Kulanka ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dalka ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo Danjiraha cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday ayaa tilmaamay in Turkiga uu yahay walaal dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya, kaasi oo xilliyo adag soo garab taagnaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, kana taageera dhinacyo badan oo kaabaya horumarinta dowlad-dhiska Soomaaliya.

Mr. Alper Aktaş ayaa beddelay Ibrahim Mete Yagli oo isagu soo gaba-gabeeyay shaqadii diblomaasiyadeed ee uu u joogay Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir diblumaasiyadeed oo wanaagsan, ayada oo dhawaan gaaray heshiis difaac, kaasi oo dhaqan-gal noqday kadib markii ay meel-mariyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa Turkiga ku sifeysa waddan saaxiib iyo walaal la aamini karo ah, maadaama uu yahay walaal marar badan hiil inoo muujiyay, waxayna xilligaan la kaashaneysa difaaca qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.