R/W Xamze oo kulan la qaatay safiirka imaaraadka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, Axmed Juma Al Rumaithi oo fadhigiisu yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday xaaladda gobolka, oo ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo culus oo ay ugu horreyso xiisadda heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Imaaraadka ayaa kamid ah waddamada Carbeed ee xiriirka wanaagsan laleh Soomaaliya, kaas oo ka taageero dhinacyada dhaqaalaha, milatariga iyo arrimaha bani’aadanimada.

Waxaa kale oo uu Imaaraadka gacanta ku hayaa qayb kamid ah ciidanka Soomaaliya, kuwaas oo uu siiyo tababaro gaar ah iyo qalab milatariga.