Radio Galgaduud oo 9 sanno jirsatay.
Warbaahinta Radio Galgaduud oo la’aas aasay 3/september/2011 ayaa u dabaaldageysa maanta Sanadguuradeeda 9-aad ee kasoo wareegatay markii dhidibadda loo taagay.
Munaasabada sanad guurada Radio Galgaduud oo inta badan ka dhici jirtay Caasimadda Galmudug ee Dhusomareeb oo ay ku taalo xarunta dhexe ee Radio Galgaduud ayaa sanadkan lagu qabanayaa Degmadda Guriceel oo iyaduna ah Magaaladii ugu horeysay ee Radio Galgaduud ka shaqo bilaawday, waxayna Xafladdu ka dhacee caawa bacdal maqrib HOTEL BEDER 2 Guriceel.
Waxaa xariga laga jarayaa insha’allaah dhismo cusub oo ay Radio Galgaduud xarunteeda Guriceel leedahay ayna ku shaqeyn doonaan Radio Galgaduud iyo Galgaduud Tv.
Radio Galgaduud ayaa sanadkan soo kordhisay Xarun cusub oo ay ka furatay Degmadda Balanbal ee Gobolka Galgaduud, waxaana horey uga shaqeyneysay Magaaladda Dhusomarreeb ee Caasimadda Galmudug, Degmadda Guriceel iyo Degmadda Matabaan ee Gobolka Hiiraan (Hirshabelle).
Sidoo kale Idaacadda ayaa leh websiteka Radiogalgaduud.com iyo habka tabinta tooska ah ee livestream oo aduunka oo dhan laga dhageysto, waxaa kale oo lagala socdaa 2 page oo Idaacaddu ku leedahay Facebook kuwaa oo kala ah Radio Galgaduud iyo Galgaduud Tv, looguna soo gudbiyo dhageystayaasheena Warar iyo Barnaamijyo Maqal iyo Muuqaal ah kuna saleysan xaqiiqda.
Maamulka Radio Galgaduud ayaa qorsheynaya Insha’allaah in sanadkan ay gaaraan Magaalooyin kale oo Galmudug ah kadib codsiyo isdaba joog ah oo uga yimid Bulshadda Degmooyinkaas.
Hambalyo Radio Galgaduud Sanad guradeeda 9-aad, waana Warbaahinta ugu xarumaha badan Galmudug inta badana Dadku ay dhageystaan.