Rag burcad iyo cayaal weero iskugu jira oo ay agacnta kusoo dhigeen Ciidamada Booliiska G/Banaadir.

Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir gaar ahaan ciidanka Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sameeyay Howgal amni xaqiijin ah ayaa gacanta ku soo dhigay tiradii ugu badnaa oo ka mid ah Ciyaalweerada ah kuwaas oo watay Tooreeyo, baangado islamarkaana ku howlanaa dhibaateenta Shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka ayaa Kooxdaan ka qabtay waaxda Jabad-geelle ee Deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana Dhammaantood lagu soo xiray Saldhigga Deegaanka.

Howlgalada ka dhanka ah Ciyaal-weerada iyo Burcadda ayaa si wanaagsan u socda, waxaana Taliska Booliska Qeybta Guud ka go’an sii laba jibaarida howgaladaan si amaanka Bulshada u noqda mid sugan.