Rag hubeysan Oo Muqdisho kudilay Askari katirsan Ciidanka Dowlada

Askari ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka ayaa saakay rag hubeysan waxa ay ku dileen suuqa beerta gaar ahaan dhanka degmada Xamar Jajab meel aan sidaas uga fogeyn afafaaka hore ee xerada ciidanka Afasiyooni.

Allaha u naxariistee askariga la dilay oo ka tirsanaa booliska ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mahad Gudhuu, wuxuuna ka tirsanaa ciidanka ilaalada barta kontorool ee ku taalla suuqa beerta.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen ragga dilka geystay inay ahaayeen laba dhalinyaro, waxaana dhawr xabadood ay ku dhufteen askariga, intaasi kadib ayay ka qaateen qorigii uu watay.

Ilo wareedyo ayaa waxa ay inoo sheegeen marxuumka la dilay oo ahaa nin da’ah markii uu dilkiisa dhacayay inay halkaasi ka akdhawaayeen ciidamo kale oo aan ku bixin ragga dilka geystay.

Dilka markii uu dhacay oo raggii hubaysnaa ay meesha ka baxsadeen ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo durba goobta baaritaan ka sameeyay.

Ma jirin ciidamada yimid goobta cid ay meesha ka qabteen, maadaama raggii dilka geystay ay meesha markiiba isaga tageen, waxaana ciidamada ay meesha ka soo qaaden meydka askarigii la dilay.

Ururka Al Shabaab iyo kooxda yare ee Daacish ayaa dilal qorsheysan ka geysta magaalada Muqdisho, waxa ayna eegtaan ciidamada dowladda iyo dadka kale ee dowladda la shaqeeya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si xowli ah ugu soo badanaya dilalka ay ka gaysanayan ragga bistooladaha la cararaya, iyada oo habeen iyo maalin ay shaqeynayaan hay’adaha ammaanka.