Rag kufsi iyo Dil geystay 7 sanno kahor oo la daldalay

Afar nin oo dalka India loo haystay kufsiga iyo dilka gabar 23 jir ahayd oo sanadkii 2012 ka dhacay gudaha magaalada Delhi ayaa xalay la daldalay ka dib markii toddobo sano ka hor maxkamadi ku xukuntay dil.

Afartani nin oo kala ah Akshay Thakur, Vinay Sharma, Pawan Gupta iyo Mukesh Singh ayaa sanadkii 2013 lagu xukumay dil. Balse xalay ayaa lagu daldalay gudaha xabsiga Tihar.

Dilka nimankani ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ka dhaca dalkaasi India tan iyo sanadkii 2015.

Gabadha ay raggani kufsaden ka dibna ay dileen ayaa ahayd arday, waxayna u dhimatay dhaawac soo gaaray ka dib markii ay lix nin ku dhex kufsadeen bas gudihiisa.

Dhacdadaasi ayaa waxaa ka dhashay caro xoog leh iyo in markii dambe la dhaqan geliyo sharci adag oo ka dhan ah kufsiga.

Mid ka mid ah lixdii nin ee loo soo xiray dhacdadaasi ayaa sanadkii 2013 isku dhex dilay xabsiga halka mid hale oo 17 sano jir ahaa xabsiga laga sii daayay sanadkii 2015 ka dib markii uu xabsiga ku jiray muddo saddex sano ah.

Bilihii la soo dhaafay ayaa afarta nin ee haatan la daldalay waxa ay racfaan ka qaateen xukunkaasi balse maxkamadda sare ayaa ku gacan seyrtay racfaankooga.

Sidoo kale racfaan kale oo ahaa in aan la daldalin ayaa laga diiday, sidaa ayaana xalay lagu daldalay.