Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya in Laamaha Amniga gobolka Bari ay xabsiga dhigeen ilaa saddex ruux, oo looga shakisanyahay Al-shabaab iyo Daacish.
Saraakiil ka tirsan hay’adaha Amniga, ayaa warbaahinta u sheegay in gacanta lagu dhigay saddex ruux oo looga shakisanyahay dagaalamayaasha Daacish iyo Al-shabaab, kuwaas oo lagu qabtay hawlgal ciidanku ka fuliyeen Boosaaso.
Saraakiisha ayaa sheegaya, in baaritaan lagu wado saddexdaasi xubnood ee lagu tuhunsanyahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish, inkastoo aysan weli soo bixin natiijada baaritaanka, islamarkaana aan si buuxda loo caddayn eedaymaha loo haysto.
Sidoo kale, maalin ka hor, Laamaha Amniga magaalada Boosaaso ayaa fashiliyay weerar ay soo qaadeen dableey hubaysan oo ka tirsana Daacish, kuwaas oo midkood ciidanku toogasho ku dileen, halka kii kale oo sarkaal sare ahaana dhaawac lagu qabtay.