Ragii dilay Shaafi Cabdi Xaaji oo xukun lagu riday

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ah ku xukuntay, Maxamed Cabdi Nuur Geeddi (Madax-yareey) oo horay u dilay marxuum, Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye.

Maxkamadda ayaa sidoo kale Shan Sano oo xabsi Ciidan ah ku ridday, Maxamed C/wali Xasan (Boqol) oo ay ka billaabatay shaqaaqadii lagu dilay marxuumkaas.

Dilkaas ayaa ka dhacay Degmada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug 28 kii Maarso ee Sanadkan 2020-ka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in Maxamed Cabdi Nuur lagu riday xukun Dil toogasho ah oo ah qisaastii Shaafici Cabdi, halka Maxamed Cabdiweli isna lagu xukumay Shan Sano oo Cabsi Ciidan ah.