Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo magacaabay Agaasime cusub.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa u magacaabay Maxamed Xasan Shire agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa lagu sheegay in agaasimaha cusub lagu xushay aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, waxaana la faray shaqaalaha wasaaradda Qorsheynta in ay la shaqeeyaan agaasimaha cusub.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamed Xasan Shire ayaa ah aqoonyahan wax ka dhigayay jaamacadaha dalka kuyaalla, sidoo kale kasoo shaqeeyay hay’addo kala duwan oo dalka iyo dibadiisa ka howlgala.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Barre ayaa wada isbadalo lagu sameenayo agaasimayaasha wasaaradaha qaarkood, kuwaa oo muddo badan shaqada joogay qaarkoodna lumiyeen kalsoonida wasaaradaha ay ka shaqeeyaan.