Raiisal Wasaare Xamsa oo la kulmey Guddiga Madaxa banan ee Doorashooyinka Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan qorshayaasha guddiga ee hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ah. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu adkeeyay sida ay uga go’an tahay dowladda in awoodda loo celiyo shacabka, si ay codkooda ugu doortaan hoggaankooda. Sidoo kale, wuxuu guddiga kula dardaarmay in ay si degdeg ah uga shaqeeyaan hirgelinta doorashooyinka, maadaama Baarlamaanka uu dhawaan dhammeystiray shuruucdii fududeynayay hawshaas.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa ah hay’ad dastuuri ah oo mas’uul ka ah maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo hirgelinta doorashooyin hufan oo ku saleysan habka qof iyo cod. Golaha Wasiirrada ayaa 26-kii Nofeembar 2024 ansixiyay guddigan, kaas oo ka kooban 18 xubnood. Xubnaha guddiga waxaa ka mid ah:

  1. Cabdikariim Axmed Xassan
  2. Saadiq Abshir Garaad
  3. Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan
  4. Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo
  5. Cumar Abuukar Cumar
  6. Farxiyo Maxamed Yusuf
  7. Dr. Cumar Jamac Maxamed
  8. Faarax Cabdi Xasan
  9. Sahro Diiriye Muuse
  10. Cabdullahi Salaad Yaroow
  11. Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi
  12. Cabdi Cadow Maxamed
  13. Cabdishakuur Abiib Haayir
  14. Khaalid Ibrahim Ismaaciil
  15. Aamina Sh. Cusmaan Maxamed
  16. Naasir Maxamed Shire
  17. Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici
  18. Maxamed Cumar Ismaciil

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in shacabka loo soo celiyo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan cidda hoggaamineysa. Guddiga ayaa lagu adkeeyay in ay si hufan oo caddaalad ku saleysan u fuliyaan hawlahooda, si loo xaqiijiyo in doorashooyinka dalka ay noqdaan kuwo lagu kalsoonaan karo.