Waxaa la dhigay qolka gargaarka degdegga ah ee Isbitaalka Sheba ee magaalada Tel Hashomer, sida uu sheegay TV-ga Channel 12 ee Israa’iil.
Netanyahu, oo 73 jir ah, oo ah hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa dalkaas, ayaa ka cabanaya xanuun feeraha ah, in kasta oo uu si buuxda u joogo miyirkiisu.
War kooban oo ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu xaqiijiyay inuu ku sugan yahay Isbitaalka Sheba, waxaana lagu sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay oo uu ku marayo qiimeyn caafimaad.
Ilaa hadda ma cadda cidda bedeli karta haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah.
Horraantii bishii Oktoobar, ayuu xanuunsaday xilli ay Yuhuuddu soomanayeen Yom Kippur, waxaana muddo kooban la dhigay Isbitaalka.
Israa’iil ayaa ku jirtay kuleyl dabayaaqadii todobaadka.