Ra’iisul Soomaaliya oo guddoomiyey shir lagu gorfeynayey dhammaystirka hawlaha doorashooyinka dowladaha hoose ee dhawaan dalka ka qabsoomi doona.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo diiradda lagu saarayey diyaar-garowga doorashooyinka dowladaha hoose ee dhowaan lagu qaban doono dalka.

Shirka oo ay ka qeyb galeen wasiirrada wasaaradaha khuseeya arrimaha doorashooyinka, ayaa lagu dhegeystay warbixin faahfaahsan oo ay soo jeediyeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga Soohdimaha. Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdixakiim Axmed Xasan, ayaa sheegay in qorshayaashii iyo agabkii lagama maarmaanka u ahaa doorashada la diyaariyey, ayna hawshu mareyso heer dhammeystiran.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa u mahadceliyey guddiyada iyo hay’adaha dowladda ee ku howlan qaban-qaabada doorashooyinka, isagoo hoosta ka xariiqay in xukuumaddu ka go’an tahay hirgelinta nidaamka doorasho ee Qof iyo Cod, iyadoo bilowgiisu noqon doono doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.