Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya oo Maanta tagay Jigjiga

Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya, Dr Abiy Ahmed ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Waxaa kusoo dhaweeyay Magaalada Jigjiga Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Dr Abiy ayaa kulamo hadda halkaasi kula leh madaxda gobolka, waxaan sidoo kale uu khubad u jeediyay shacabka.

Raysal wasaare Abiy oo ay wehliyan madax ka socota dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa sidoo kale lagu wadaa inay la kulmaan odoyaal dhaqameedyada Soomaalida, si ay uga wadahadlaan xasiiloonida, amniga iyo sidii loo xalin lahaa isku dhacyada u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada.

Dr Abiy Ahmed ayaa loo doortay raysal wasaaraha dalka Itoobiya, kadib markii uu iscasilay raysal wasaarihi hore Haile Mariam desalegn oo culeys badan kala kulmayay dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda oo sanadihii dambe ka dhacayay dalka Itoobiya.