Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo wajahaya eedo musuq maasuq

Ciidamada Booliska Israa’iil ayaa ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, lagu soo oogay dacwad iyo  eedo ah inuu laaluush qaatay.

War ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in la hayo caddeymo ku filan oo lagu dacweyn karo Mr Netanyahu taas oo ah inuu laaluush qaatay, uu misana ku lug lahaa wax isdabamarin iyo weliba inuu amaanada ku jabiyay laba kiis oo kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu,ayaa beeniyay Eedeymaha lasoo jeediyay waxaana uu sheegay in eedahaasi ay yihiin kuwo aan sal lahayn, waxa uu sheegay inuu shaqadiisa ra’iisul wasaarenimo uu sii wadan doono.

Booliska ayaa sheegay in tifaftiraha wargeyska Yediot Aharonot, Arnon Mozes, ay isna tahay in dacwad lagu soo oogo.

Eedda labaad ayaa ah mid Netahyahu daba socotay tan iyo 2009 iyadoo lagu eedaynayo inuu lacag ka badan $100,000 uu ka helay ninka filimaanta Hollywoodka ka taajiray ee Arnon Milchan iyo taageerayaal kale.