Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo booqasho ku tegay Magalada Asmara ee Caasimadda wadanka Ereteriya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa uu booqasho ku tegay Magalada Asmara ee Caasimadda wadanka Ereteriya,waxaana garoonka Diyaaradaha  Magaaladaas kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa socdaalkiisa wadanka Eritrea waxaa ku wehliya Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide iyo mas’uuliyiin kale,waxana la geeyay Xarunta Madaxtooyada Eritrea ee Asmara.

Booqashadaan abiy Axmed uga bilaabtay Magalada Asmara ayaa aheyd mid aan horay loo sii shaacin,waxaana uu kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Eritrea Yemane G. Meskel ayaa sheegay in kulanka labada Mas’uul ay uga wada hadleen Arrimo ay ka mid ahaayeen adkeynta Iskaashiga labada dowladood iyo danaha Gobolka ay wadaagaan.

Socdaalka Maanta oo Khamiis ah uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku tegay Magalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa kusoo beegmay sanad kadib markii labadaasi dowaldeed ay ka heshiiyeen coldd mudo soo jitameysay oo u dhaxeysay.