Raii’sul wasaaraha Itoobiya oo ku wajahan Eritrea

Dr Abiy Axmed Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya  ayaa maanta lagu wadaa in booqasho taariikhi ah uu ku tago magaalada Casmara ee casimadda Eratariya.

Itoobiya iyo eratariya ayaa waxa sanaddii 1998 dhexmaray dagaal lagu hoobtay oo socday muddo 2 sano ah islamarkana labadaba wax xiriir ah malahayn tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyay.

Waa booqashadii ugu horeysay oo rai’sul wasaara ka socda Itoobiya uu ku tago dalka Erateriya muddo 20 sano ah.

Horey waxa magaalada Adis Ababa booqasho ku yimid ergo ka socotay dalka Eratariya.