Raii’sul wasaaraha Itoobiya oo lagu soo dhaweeyay Eritrea

Ra’isal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay dalka Eritrea maalmo uun ka dib markii labada dal wadahadallo ay ku soo af jarayaan colaaddii 20-kii sano ee lasoo dhaafay ay yeesheen.

Wuxu noqonayaa hogaamiyihii u horreeyey ee Itoobiya ee booqasho ku taga Eritrea markii ugu horraysay muddo labaataneeyo sannadood ah oo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal go’naa.

Itoobiya iyo eratariya ayaa waxa sanaddii 1998 dhexmaray dagaal lagu hoobtay oo socday muddo 2 sano ah islamarkana labadaba wax xiriir ah malahayn tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyay.

Waa booqashadii ugu horeysay oo rai’sul wasaare ka socda Itoobiya uu ku tago dalka Erateriya muddo 20 sano ah.

Eritrea waxay xorriyadeeda ka qaadatay Itoobiya sannadkii 1993-kii ka dib 30 sannadood oo dagaal ay kul jirtay, hase yeeshee shan sanadood ka dib ayaa dagaal ka qarxay xadka labada dal u dhexeeyaa oo waxa ku dhintay kumanaan qof.