Ra’iisul Wasaaraha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (JFS), Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee xarunta dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, kaasi oo ka mid ah qorshayaasha dowladda federaalka ee lagu xoojinayo dib-u-habaynta hay’adaha dowladda iyo horumarinta adeegyada ay u fidiyaan bulshada Soomaaliyeed.

Munaasabadda furitaanka ayaa ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, saraakiil sare oo ka socday Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, iyo marti sharaf kale oo ka kala socday hay’adaha dowladda iyo bulshada rayidka ah.

Intii ay munaasabadda socotay, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa si weyn u bogaadiyey horumarka muuqda ee ay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ku tallaabsatay, isagoo ku tilmaamay dhismaha cusub mid astaan u ah dadaalka dowladda ee lagu casriyeynayo hay’adaha muhiimka ah ee dalka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in xaruntan cusub ay si toos ah u kor u qaadi doonto tayada shaqada wasaaradda, isla markaana ay fududeyn doonto qorsheynta, fulinta iyo kormeerka barnaamijyada la xiriira horumarinta beeraha, sugnaanta cuntada, iyo taageeridda beeraleyda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxa uu carabka ku adkeeyay in horumarinta waaxda beeraha ay tahay laf-dhabarta kobaca dhaqaalaha dalka, maadaama ay si toos ah u saameyso nolosha malaayiin qof oo Soomaaliyeed oo ku tiirsan wax soo saarka gudaha.

Dhismahan cusub ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato dardargelinta howlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, isla markaana uu xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo wax-soosaarka beeraha, kobcinta dhaqaalaha dalka, iyo yareynta ku tiirsanaanta cuntooyinka dibadda laga keeno.