Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Dalka dib ugu Soolabtay

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre  ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay  shir Caalami ah uga qeyb galeen magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan

Shirka oo ay ka qeyb galeen qaar kamid ah madaxda dowladaha taageera Soomaaliya, ayaa waxaa looga hadlay ammaanka Soomaaliya, tayeynta ciidanka iyo hanaanka ugu haboon ee ciidanka Soomaaliyeed ay amaanka dalka ugala wareegi karaan ciidanka AMISOM.

 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale intii uu socdaalkiisa ku guda jiray waxaa uu shir kusoo xiray magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, shirkaas oo u dhaxeeyey ganacsatada dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.