Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka jawaabayay Cabasho ka timid Bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer degdeg ah ku tagay mid ka mid ah xarumaha laga bixiyo kaarka aqoonsiga qaranka (NIRA) ee ku yaalla degmada Hodan, gobolka Banaadir, kadib markii uu ka jawaabayay cabasho ka timid bulshada.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xarunta ku booqday si uu ugu kuurgalo habka ay bulshada u helaan adeegga bixinta kaarka aqoonsiga, isagoo amar ku bixiyay in la fududeeyo adeegga si dadka aysan ugu dhibtoon helitaanka kaarka.

“Muuqaallada aan ku aragnay baraha bulshada ma aha wax la aqbali karo. Gabdhaha waa in aan lagu qasbin inay habeenkii yimaadaan ama ay bannaanka seexdaan. Taasi waa khatar amni, mana aha mid qurux badan. Waa in jadwalka shaqada la kordhiyaa si culayska uu u yaraado, sidoo kalena bulshada loo fududeeyo helitaanka adeegga,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray maamulka hay’adda NIRA in ay kala saaraan dadka doonaya in ay is diiwaan geliyaan iyo kuwa imaanaya si ay u qaataan kaarkooda, si loo yareeyo isku dhex yaaca iyo waqtiga lumaya.