Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeybgalay caleema-saarka Hoggaanka cusub ee Hirshabeelle

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Jowhar kaga qeybgalay munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), iyo ku-xigeenkiisa, Mudane Cabdifataax Xasan Afrax.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa hambalyo u diray hoggaanka cusub iyo hay’adaha kala duwan ee maamulka Hirshabeelle, isaga oo bogaadiyay hannaankii doorasho ee lagu soo doortay, kaas oo ku salaysnaa nidaamka qof iyo cod.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay Hoggaamiyaha Hirshabeelle iyo mas’uuliyiinta maamulka, isaga oo ka dhageystay warbixinno ku saabsan horumarka laga sameeyay dhinacyada fidinta adeegyada bulshada, hirgelinta mashaariicda horumarineed, sugidda amniga iyo xoojinta iskaashiga heerarka kala duwan ee dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoggaanka cusub iyo mas’uuliyiinta kale ee Hirshabeelle ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhammaystirka geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta, xal u helidda tabashooyinka jira iyo xoojinta wadajirka bulshada, si loo helo maamul ay dhammaan qeybaha bulshada ku wada qanacsan yihiin.

Isaga oo ka hadlayay waxqabadka maamulka Hirshabeelle, ayuu Xamsa sheegay in horumarro kala duwan laga sameeyay dhinacyada mashaariicda iyo adeegyada bulshada, balse uu tilmaamay in amniga iyo wadajirku ay yihiin aasaaska lagu gaari karo horumar waara.

“Hirshabeelle wax badan baa u qabsoomay, mashaariic badan baa ka fulay, kuwa kale ayaa socda, qaar kalena waa qorsheysan yihiin, waxaase saldhig u ah amniga iyo wadajirka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Munaasabadda caleema-saarka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada, siyaasiyiin, xildhibaanno, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.