Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday WFP, oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee WFP, Matthew Hollingworth, iyadoo kulankaasi uu diiradda ku saabsanaa xaaladda cunno-yarida, abaaraha soo noqnoqda, fatahaadaha, iyo saameynta ay ku leeyihiin nolosha shacabka Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah oo lagu falanqeeyay sidii loo heli lahaa xal waara oo wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee dalka ka jira, gaar ahaan kuwa la xiriira sugnaanta cuntada iyo isbeddelka cimilada. Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan horumarrada dhanka amniga, siyaasadda iyo dib-u-soo kabashada dalka, iyo sidoo kale caqabadaha weli taagan ee ka dhashay abaaraha iyo cunno-yarida.
Xamsa Cabdi Barre ayaa wafdiga ka socday WFP siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad dib-u-soo kabasho ah, balse ay jiraan caqabado adag oo ay ka mid yihiin abaaraha soo noqnoqda iyo cunno-yarida saameynta ku leh bulshada, gaar ahaan dadka nugul, reer guuraaga iyo beeraleyda.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu hoosta ka xarriiqay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso sidii loo heli lahaa xal waara oo looga gudbo ku tiirsanaanta gargaarka dibadda, isla markaana loo xoojiyo wax-soo-saarka gudaha, gaar ahaan xilliyada roobka si loo dhiirrigeliyo beeraleyda iyo reer guuraaga in ay ka faa’iideystaan kheyraadka dalka.
Sidoo kale, Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay WFP doorka joogtada ah ee ay ka qaadato gurmadka bani’aadantinimo ee Soomaaliya, isagoo xusay in taageerada ay bixiyaan ay muhiim u tahay badbaadinta nolosha kumannaan qof oo ay saameeyeen abaaraha iyo fatahaadaha.
Dhanka kale, madaxda WFP ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in lagu gaaro xal waara oo lagu yareeyo cunno-yarida iyo dhibaatooyinka soo laa-laabta, iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay sii xoojiyaan iskaashiga ay la leeyihiin dowladda.
Waxay sidoo kale muujiyeen in ay ka go’an tahay in ay taageeraan qorshayaasha dowladda ee ku aaddan isku-filnaanshaha cuntada, horumarinta beeraha, iyo xoojinta adkeysiga bulshada si looga hortago saameynta abaaraha mustaqbalka.
Ugu dambeyn, kulankan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo xoojinaya iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo WFP, gaar ahaan dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro amni cunto oo waara iyo horumar bulsho oo ay ka faa’iideystaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.