Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Danjiraha Qatar, kuna gudbiyay tacsi rasmi ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah Bin Salem Al Nuaimi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyadoo si gaar ah looga hadlay arrimaha siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha, iyo kor u qaadista iskaashiga labada dowladood.

Intii uu kulanku socday, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha Qatar la wadaagay dhambaal tacsi rasmi ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya u dirtay Dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Qatar, kaddib shil gaari oo naxdin leh oo ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, kaas oo sababay dhimashada saddex muwaadin oo u dhashay Qatar, iyo dhaawaca qaar kale.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa yiri:
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Qatar, geeridii naxdinta lahayd ee ku dhacday muwaadiniintooda, kuwaas oo ku geeriyooday shil gaari oo saaka ka dhacay meel ku dhow magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar. Waxaan Alle uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo kuwa dhintay, dhaawacyadana bogsiin degdeg ah siiyo.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale muujiyay sida ay Dowladda Soomaaliya mar walba ugu garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Qatar, isagoo ku ammaanay kaalinta firfircoon ee Qatar ay ka qaadato taageerada horumarineed iyo tan bani’aadannimo ee ay siiso Soomaaliya.