Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Dr. Annette Weber.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan arrimaha amniga, horumarka siyaasadeed, iyo kobcinta dhaqaalaha. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la wadaagay Dr. Weber waxqabadka Xukuumadda DanQaran ee saddexdii sano ee la soo dhaafay, oo ay ka mid yihiin: sugidda amniga caasimadda, la-dagaallanka Khawaarijta, dib-u-habaynta ciidanka, kobcinta dhaqaalaha, tayeynta adeegyada bulshada, iyo hormarinta hannaan siyaasadeed oo waara.

Sidoo kale, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoosta ka xariiqay dadaallada socda ee la xiriira xilliga kala-guurka ee howlgalka AUSSOM, isaga oo xusay baahida loo qabo taageero dheeri ah oo caalami ah si guulaha la gaaray loo xoojiyo.

Dhankeeda, Dr. Annette Weber ayaa ammaanay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dhinacyada kala duwan, iyadoo caddeysay in Midowga Yurub uu sii wadayo taageerada uu siiyo dowladda Federaalka Soomaaliya si loo gaaro xasillooni iyo horumar waara.