Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo U Dhoofay Dalka Sucuudiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadn Cadde ee Muqdisho,iyagoo kusii jeeda Dalka Boqortooyada Sucuudiga.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa qeyb ka ah qaar kamid ah golihiisa Wasiirada iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.