Ra’iisul Wasaaraha soomaliya xasan cali Kheyre oo Shir Gudoomiyay Kullan looga hadlayay Amniga Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Shir Gudoomiyay Kullan looga hadlayay Amniga Muqdisho.

Kulankaan  deg dega ah oo ay isugu yimaadeyn Lamaha ammaanka Dowlada Federaalka ee Soomaaliya, waxaana Goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Wasiirada Amniga, Cadaaladda, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo saraakiil kale.

Sidoo kale waxaa Warbixino amniga la xiriira laga dhageystay Taliyaasha Ciidamada Booliiska, Nabad sugidda iyo saraakiil kale.

Hay’adaha ammaanka iyo kulanka u dhaxeeyey Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Saacado qaatay, isla markaana warbaahinta ay dibad joog ka aheyd, waxa ay ku lafa gureen xubnihii ka qeyb galay sidii loo bilaabi lahaa howlgalo.

Kulanka kadib waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxa uuna markale ku celiyey in aanan Magaalada lagu dhex arki karin Hubka Culus (Hubka waa weyn).

Wasiir Isloow ayaa sheegay in ay dhaqan galin doonaan tallaabadaan uu tibaaxay in ay wax kaga qabanayaan Amni darada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Ciidamo gaar ah ay Dowladda u diyaarisay Howlgalo uu ku sheegay in lagu Xaqiijinayo Amniga Caasimadda.

Ciidamadaasi ayuu tilmaamay in ay isugu jiraan Booliis iyo Nabad sugid, waxa uuna ka digay isku dhacyada Ciidamada Dowladda ee Muqdisho ku dhex mara, in ay ku lug lahaadaan Saraakiisha.

Xasan Cali Kheyre waxa uu tilmaamay in howlgalkaan uu waji cusub u sameyn doono howlaha lagu suganayo amniga Magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa daba socda, qaraxyo iyo iska hor imaadyo ka dhacay Muqdisho Gelinkii dambe ee Jimcihii oo ka dhacay Taalada Dhagaxtuur iyo (Kiilo-Mitir Eber), waxaana ku dhintay dad kor udhaafaya 30 qof