Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xilka ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda JFS, Xildhibaan Yuusuf Maxamed.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in xilkaas loo magacaabay Prof. Saalim Caliyow Ibrow.
Qoraalka wareegtada ayaa lagu yiri:
“Ra’iisul Wasaaraha, isagoo tixgelinaya baaxadda shaqo iyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu u magacaabay Mudane Prof. Saalim Caliyow Ibrow Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda JFS.”
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Prof. Saalim Caliyow kula dardaarmay inuu dardar geliyo hawlaha Wasaaradda, isla markaana uu xoogga saaro horumarinta adeegyada shaqada iyo arrimaha bulshada ee dalka.