Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxda Dowlad Goboleedyada oo caawa booqday Xeebta Liido ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa waqti la qaatay shacab Soomaaliyeed oo ku damaashaadayey xeebta Liido. Booqashadan ayaa ah mid muujinaysa nabadda iyo xasilloonida ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho. Mudane Xamsa ayaa kula dardaarmay shacabka in ay sii xoojiyaan doorka kaga aaddan nabadda iyo isdhexgalka.

Booqashadan Ra’iisul Wasaaraha waxa ku wehliyay madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Galmudug, Jubaland, Hirshabeelle, wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ahmiyadda booqashada madaxda dalka iyo la caweysiga shacabka. Ayaa ah mid muujinaysa hormarada dhanka ammaanka ee caasimadda Soomaaliya, bisaylka madaxda, iyo kalsoonida ay shacabka ku qabi karaan madaxdooda.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda kale ee dowlad goboleedyada ee xeebta Liido ayaa ah horsed unoqon karta inuu abuurmo xiriirka dhow ee ka dhexeeya shacabka iyo madaxda. Waxay muujinaysaa dedaalka ballaaran ee lagu sugayo nabadda iyo xasilloonida, iyo sidoo kale horumarka dhinaca amniga ee caasimadda Soomaaliya.