Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Midowga Yurub u qaabilsan Qaaradda Afrika, Mr. Mathieu Briens, waxayna ka wada hadleen arrimo la xiriira xoojinta iskaashiga iyo cilaaqaadka u dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray taageerada Midowga Yurub ee dhinacyada muhiimka ah oo ay kamid yihiin dib u qaabeynta amniga Soomaaliya kadib bixitaanka howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) iyo sidii ay iskaashi u wada samaysan lahayeen dalalka Soomaaliya ka taageera dhanka tababarrada iyo qalabeynta ciidamada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga warbixiyey wafdiga Midowga yurub ka socday xaalladaha dalka ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo horumarka laga sameeyay dhanka amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta.
Mr.Mathieu ayaa dhankiisa bogaadiyey guulaha ay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ka ka gaareen dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha, isagoo xusay in Midowga Yurub ay sii wadi doonaan taageerada joogtada ah ee la xiriira howlgallada xasillinta iyo amniga Soomaaliya.