Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo magacaabay Madaxa isku xirka Deeqaha

Muqdisho-GNNFM– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Muxumed Xuseen Axmed u magacaabay Madaxa Unugga Isku Xirka Deeqaha, kaas oo ka shaqeyn doona arrimaha la xiriira Deeqaha.

Mudane Maxumed Xuseen Axmed ayaa ah khabiir wax ka badan 10 sano ka soo shaqeeyay Arrimaha Gar-gaarka, isagoo la soo shaqeeyay inta badan Hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha Bani’aadanimada sida ku cad CV-giisa oo nuqul ka mid ah la helay.

Unugan Isku Xirka Deeqaha (Aid coordination unit- Acu) oo muddo soo jiray ayaa u taagan taabba gellinta iyo socod siinta hannaanka fullinta qorshaha Qaranka, waa isku xiraha deeqaha iyo taabba gellinta hannaan ay ku wada hadlaan Soomaaliada iyo deeq bixiyayaasha, kaas oo ka caawiya Dowladda hannaanka qorshaha Qaranka sida arrimaha xog ururinta iyo loo-jistikada.

Sidoo kale Unugan Isku Xirka Deeqaha wuxuu qaban qaabiyaa shirar kala duwan oo qorshaha Qaranka lagu taabba geliyo sida Hannaanka Wadaagga ee Soomaaliya ( Somalia Partnership Forum), Sanduuqa dib u diska Soomaaliya ( SDRF) iyo Shirarka Tiirarka (Pillars)

Uga dambeyn Unugan Isku Xirka Deeqaha ayaa Sidoo kale Dawladda waxuu ka caawiyaa isku xirka hay’adda dawladda & Gobolada iyo Daba galka Dhaqdhaqaha Deeqaha (Aid Mapping Exercise).