Ra’iisul wasaare Abiy Axmad oo gaaray Eritrea

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa gaaray dalka Eritrea, waxaana uu mar kale wadahadallo la yeelan doonaa Madaxweynaha dowladda Ertrea.

Waxaa lagu waddaa in dalka Eritrea uu ka furmo Shir u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea sidda uu sheegay Wasiirka Warfaafinta dowladda Eritrea.

Wasiirka waxaa uu sheegay in Abiy Ahmed booqasho labo maalin ah uu ku joogi doono dalka Eritrea si loo howlgaliyo Heshiisyadii ay horay u wada gaareen.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sidoo kale lagu waddaa in ay dhex dhexaadiyaan Jabuuti iyo Eritrea.

Yemane G. Meskel@hawelti

Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed arrived in Assab this morning for 2-day working visit to Eritrea. Z Prime Minister, who will also visit Massawa &Asmara, will hold extensive discussions with President Isaias Afwerki to assess & expedite implementation of z Agreement of 9 July