Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Cusub ee DDSI oo Maanta kulmaya

Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa la filayaa in maanta oo Jimco ah in uu la kulmo madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Xibsiga haya talada Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa maalin ka hor madaxweyne u doortay Mustafe Muxumed Cumar oo si rasmi ah u baddalay madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar.

Kulanka ayaa waxa ay intiisa badan uga hadli doonaan,warbixino Guddiga fulinta Golaha dimuqraatiga Shacabka Soomaalida  Itoobiya ay u gudbin doonaan Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo caqabadaha ka jira dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

In ka badan laba Kun oo qof oo ka mid ah hogggaanka Siyaasada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa goobjoog ka noqon doonaan kulanka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweyne Mustafa Muxumed Cumer.

Dhinaca kale Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in hoggaanka Siyaasada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay dib ugu soo laabtaan deegaanadooda,si ay u sii amba qaadaan Shaqooyinkooda,iyaga oo hadda ku sugan Magalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.