Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Amray Siideynta Maxaabiis Ku Xiran Garoowe

Kulankii sidawadjirka ah Magalada Garoowe ay ugu yeesheen xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo kuwa Puntland ayay ka mid aheyd qodobadii looga hadlay siideynta Maxaabiista ku jirta Xabsiga Garoowe.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo shirkaasi faah faahinayey ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu amray in Maxaabiista Xabsiyada Garoowe ku xiran sicadaalad ah loo siidaayo.

Waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu ku amray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Cadaalada in dadkaasi loo maro Wadadii lagu siidaayey Dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ku xirna dalka dibadiisa.

Waa kulankii ugu horeeyey ee Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ku yeeshaan Magalada Garoowe,iyada oo kualnkaas ay ka soo baxeen qodobo muhiim ah.