Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Dib Ugu Soo labtay Dhusa-mareeb

Raysulwasaare Kheyre ayaa mar kale dib ugu soo laabtay Magaaladda Dhusomareeb ee Caasimadda Galmudug.

Raysulwasaaraha ayaa kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaaladda Dhusomareeb, waxaana soo dhaweeyay Masuliyiin kakala tirsan Dowladda Dhexe, Galmudug iyo qeybaha Bulshadda.

Raysulwasaraha ayaa Maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug halkaa oo kulamo looga hadalayo Doorashadda Hoggaanka Cusub ee Galmudug kula yeeshay Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Degaanka.