Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo lakulmay Gudoonkii Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xalay Kulan lagu xalinayo khilaafka Madaxtooyada iyo Guddoomiyaha ku yeeshay Magalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay dhismaha Xarunta Wasaaradda waxbarashada,waxaana intiisa badna uu ahaa mid diirada lagu saaray ka gudbida khilaafka ka dhex jira Madaxtooyada iyo Guddoomiyaha.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta Laamaha Sharci dajinta iyo Fulinta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku adkeysanayay maalmihii la soo dhaafay Saddex qodob oo kala ah,Xariga Muqtar Roobow Ciidamada la geeyay Magalada Baydhabo iyo kala diristii Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka.

In kastoo kulankii xalay ay Saxaafada dibad-joog ka aheyd ayaa hadana Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka waxa ay Dalsna u sheegeen in inta badan is-afgarad lagu dhameeyay khilaafkaas.

Khilaafka u dhaxeeyay Madaxtooyada Soomaaliya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxa uu sababay in uu hakad galaan kulamadii Golaha Shacabka.