Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Oo Ka Qeyb Galaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika

Magalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya waxaa ka furmaya shir Madaxeedka aan caadiga aheyn ee Ururka Midowga Afrika,waxaana Soomaaliya uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed(Khdar)

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa gaaray Magalada Adis Ababa,waxaana shirkaas uu socon doonaa mudo laba Cisho ah oo Maanta ka bilaabaneysa.

Shirkaas ayaa waxaa markii labaad ka baaqsay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha,waxaana markii labaad loo diray oo matalaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Arrimaha ugu weyn ee shirkaas looga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah isbedello waaweyn oo lagu sameynayo qaabka dhismeedka Ururka Midowga Afrika  oo mudo laga Shaqeynayay.

Shir Madaxeedka Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa Sanadkaan shir guddoominaya Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame.

Gaba gabada Shir Madaxeedka Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobo muhiim u ah Wadamada Afrika.