Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Qatar Oo lagu Soo dhoweeyay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa soo gaaray Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasirka arrimaha dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani iyo wafdi uu hogaaminayo,iyadoo siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada.

Mohammed bin Jassim Al Thani iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diaayadaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Madax sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo xubbno kale.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasirka arrimaha dibadda Qatar iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Muqdisho.

Hayeeshee weli wax faahfaahin ah dowladda Soomaaliya kama bixin Ujeedka Wafdiga ka socday dowladda Qatar ee soo gaaray Muqdisho.

Ciidamada amniga dowladda ayaa saakay inta badan xiray Wadooyinka waaweyn Magaalada,waxaana lagu arkayay Ciidamo  gaar ah oo ka tirsan dowladda.