Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shir ka hadlay abaaraha guddoomiyey

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey Madasha Bani’aadanimada Soomaaliya oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA).
Intii uu kulanku socday, waxaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta xaaladaha abaaraha ee saameeyey dalka, iyada oo ay madasha goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin sare oo ka socday hey’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay waqti badan gelisay wax ka qabashada abaaraha, isla markaana la sameeyay dadaallo badan oo qaarkood guuleysteen.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, ayaa sheegay in xukuumaddu sii dardargelin doonto ka hortagga abaaraha soo noqnoqda ee dalka, isla markaana ay jiraan qorshayaal ay dowladdu waddo.