Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo UN Women oo Xoojinaya Iskaashiga Haweenka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday hay’adda UN Women, kuwaas oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Gobolka Bariga iyo Koonfurta Afrika ee hay’adda, Marwo Anna Mutavati.

Kulanka ayaa ahaa mid muhiim ah oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo UN Women, gaar ahaan dhinacyada la xiriira horumarinta haweenka, kor u qaadidda ka qayb galka siyaasadeed, iyo doorka hoggaamineed ee haweenka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey hay’adda UN Women taageerada joogtada ah ee ay siiso haweenka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay in la xoojiyo fursadaha haweenka, si ay uga qayb qaataan hoggaanka, dib-u-dhiska dalka, iyo geeddi-socodka nabadda.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo barnaamijyada wax ku oolka ah ee lagu taageerayo haweenka iyo gabdhaha, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha, iyo ilaalinta xuquuqdooda aasaasiga ah.

Dhankeeda, Marwo Anna Mutavati ayaa bogaadisay dadaallada ay dowladda Soomaaliya ka wado horumarinta arrimaha haweenka, waxayna sheegtay in UN Women ay sii laba jibbaarayso taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xaqiijiyo ka qayb gal buuxa oo haweenku ku yeeshaan horumarka iyo mustaqbalka dalka.

Waxay sidoo kale tilmaantay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn dhow oo dhexmarta hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah, si loo hirgeliyo barnaamijyo waxtar leh oo wax ka beddel dhab ah ku sameeya nolosha haweenka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Isku-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Marwo Aminakeyf Ahmed, oo iyaduna door muhiim ah ka qaadatay isku dubaridka dadaallada lagu xoojinayo xuquuqda iyo horumarinta haweenka.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la sii dardargeliyo wada shaqeynta, lana hirgeliyo qorshayaal wax ku ool ah oo lagu kobcinayo doorka haweenka Soomaaliyeed, si ay u noqdaan laf-dhabarta horumarka, nabadda iyo dowlad-dhiska dalka.