Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, iyo Wasiirkii hore ee wasaaraddaas, Mudane Cilmi Maxamed Nuur.
Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, agaasimeyaal, saraakiil iyo shaqaalaha wasaaradda. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ayaa bogaadiyay Wasiirkii hore dadaalkii iyo waxqabadkii uu muddadii xilka hayay, isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar mustaqbalkiisa dambe.
Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa Wasiirka cusub kula dardaarmay in uu dardargeliyo howlaha muhiimka ah ee wasaaradda, gaar ahaan dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta guryeynta iyo qurxinta magaalooyinka, si ay uga qeyb qaataan koboca dhaqaalaha iyo bilicda guud ee dalka.
Dhankiisa, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay kalsoonida loo igmaday, isaga oo ballanqaaday in uu si hufan u guto waajibaadka saaran, isla markaana uu xoojin doono wada shaqeynta uu la leeyahay dhammaan hay’adaha ay khusayso.
Sidoo kale, Wasiirkii hore, Mudane Cilmi Maxamed Nuur, ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shaqaalaha wasaaradda fursaddii uu u helay in uu u adeego dalka, isaga oo tilmaamay in uu mar walba diyaar u yahay in uu la wadaago khibraddiisa hoggaanka cusub.