Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka Labaad ee XFS ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa si rasmi ah tababar ugu soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo dhammaystay tababbarro heer sare ah oo ay ku qaateen dalka Turkiga, gaar ahaan Kulliyadda Tababbarka Ciidamada ee TurkSom.

Mudane Jibriil ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay juhdi badan gelisay dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, si loo helo ciidan qaran oo awood u leh in uu si buuxda ula wareego amniga guud ee dalka iyo in uu si hufan ula dagaallamo kooxaha Khawaarijta ah ee caadeystay dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.

Isagoo la dardaarmayay ciidamada tababbarka qaatay, ayuu Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenku carrabka ku adkeeyay in cutubyadan cusub ee Gorgor ay kaalin muuqata ka qaadan doonaan sugidda amniga, xoojinta midnimada qaranka, iyo ciribtirka cadowga nabadda. Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyay in ay muujiyaan waddaniyad, daacadnimo iyo karti ku dhisan xirfad iyo anshax ciidan.